Wararka Maanta Ee Ciyaaraha

Suuqa Chelsea: Hal Xiddig oo Imaaanaya Stamford Bridge Iyo Ciyaaryahan Magac Weyn Leh oo Ka Dhaqaaqaya Bules.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay weydiisato 65 milyan ginni koox kasta oo dooneysa saxiisa Christopher Nkunku.

Laakiin Bayern Munich ayaa la timid qorshe macquul ah oo la xiriira in Mathys Tel uu qeyb ka noqdo heshiiska weeraryahanka France.

Nkunku ayaa ku dhibtooday inuu si joogta ah ugu ciyaaro Stamford Bridge, laakiin weli waa magac weyn oo suuqa laga qiimeeyo, waxaana uu inta badan soo bandhigaa qaab ciyaareed wanaagsan markasta oo uu fursad ka helo shaxda Blues.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka France ayaa si fudud ugu dhaqaaqi kara Bayern ama kooxaha kale ee ugu sareeya yurub ee doonaya xagaagan.

Sida laga soo xigtay The Athletic, Chelsea waxay si cad u ogtahay in Nkunku lagu heli karo qiime sarre, sidaa darteed diyaar uma ahan inay ku iibiyaan qiimo jaban.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Chelsea ay ku dooneyso 65 milyan ginni ciyaaryahankii hore ee RB Leipzig, halka ay sidoo kale ay xiiseynayaan inay keenaan bedelkiisa Tel oo ka tirsan Bayern Munich.

Wararka qaar ayaa sheegaya in heshiis isdhaafi Christopher Nkunku iyo Tel ay sameyn karaan labada koox ee Bayrn iyo Chelsea.

abdiweliguide
http://abdiweliguide

Share This Article

Scroll to Top